Murtida Maanta

Sida ku sugan sooyaalka Soomaalida. Waxa ay lahaayeen sida bulsha waliba u leedahay wax ay ku xasuusato tagtadeedii. Haddaba, maanta waxa aanu soo ban dhigaynaa ereyo laga hayo oday hore.

Waxa laga hayaa oday la sheegay in la odhan jirey Cabdi Geydh, ayaa la weydiiyey maxaad u naaxi weydey. Waxa uu ku jawaabay baa la yidhi:
Ma naaxo nin ay haysato shan xaal oo aniga i haysta, kuwaas oo ku sheegay;
Xillaan qoodheed ahay,
• Xamas baan ceelkeeda hayaa,
• Xaajo baan geedkeeda ahay,
• Marti baan xilkaskeed ahay.
• Xasarad baan daadkeed ahay.