Monday 20 December 2010

TG-ga Tixraac

Watch live streaming video from tixraac at livestream.com

Halkan Kala Soco TV-gii Qaranka (SLNTV)

Watch live streaming video from slntv2011 at livestream.com

Guurkii Soomaalida ee hore

Halkan waxa aad ka daawan kartaan Muuse Cali Faruur oo bulshada Soomalida u soo bandhigaya guurkii ummaddu lahayd iyo qaybaha u kala lahaa, film-kan waxa iska leh oo aanu ka soo duwney Shebakada Oodweynenews waxa aanu idin leenahay daawasho wacan, xaqa muuqaalkana waxa iska leh shabakada lafteeda, waxa se ay dhaxal u tahay ummadda Soomaalida oo idil waxa ayna u baahan tahay in la baahiyo, lana qoro oo qoraal ahaan lagu reebo oo lagu ladho muuqaalka si ay u fududaato fahanka dhalinta aan waxba kala socon sooyaalkooda iyo waxa ay uga tageen awoowyadood.

Guurkii Hore Ee Soomaalida iyo Muuse Cali Faruur.

Saturday 18 December 2010

TV-gii Qaranka (SLNTV) Oo Badka Soo Galay

Iyadoo wakhti dheer la sugayey ayuu hadda billaabay in internetka la daawan karo.


Halkan Ka Dhugo

Maxamed Caddow oo soo afrogay (ka faydey) sida ay Budh-caddu uga qawlaysato degaanada Puntland ee Soomaaliya

Maxamed Caddow (weriyaha Al-Jaziira)oo soo afrogay sida ay Budhcad baddeedu awooda ugu leeyihiin degaanada Puntland, oo Soomaalida halkaa degenanina ugu faanayaan xooga iyo xoolaha ka soo galay budhcadayntaa, oo nasiib daro magaca Soomaalida ee cid waliba ku qawlaysato. Fadhataysku waxa uu ku ekaan jirey berriga, haddase waxa ku ekaatay badweyntii oo qadhaabkii tegey. Waa arrin ugub ku ah sooyaalka Soomaalida, inkastoo aan aad loo hayn taariikhda dhabta ah ama laysku raacsan yahay oo Soomaalidu leedahay, dadka magaca ku leh ama maamula degaanadaasi waxa ay ku saleeyeen in ay keentay dawlad la'aanta ka jirta dhulkii ay ka talin jirtey Jamhuuriyaddii la asaasay 1960-kii, iyagoo baalmaraya in iyagu yihiin kuwii taladu dultaalo ama yihiin kuwii lagala xisaabtamayey if iyo aakhiroba.

Daawasho wacan kana haddal sida ay kuula muuqato.

Friday 10 December 2010

WARAABUHU MA RABOOBAA !!

Xayawaanka aadamaha la wadaaga carro-edeg, waxa lagu sifeeyaa baddi inay la wadaagaan noolaha kale way ogalaadaan dadaal ka dib. Haddaba Waraabaha ayaa bulshada Soomaalidu isku raacday in aanu tarbiyada qaadan ama aanu ku wanaagsanayn ee uu gelinkaa uu had iyo jeer joogo inuu ku xisaabtamo. Haddaba ciyaar Soomaaliga ayaa iyana aan magaaloobin baa la leeyahay baldhugo Jaandheer.