Thursday 31 March 2011

Beeyaddii Oo Loo Raadinayo Suuq Iyo Hamuunta Dadka Beerta.

Muuqaalkan ayaa waxa ku dhan sida ay dadka beerta beeyadu ugu hanqal taagayaan inay suuq u helaan alaabtooda. Daawo:

Sunday 13 March 2011

ADHI AAN QAWRIIRTO LAHAYN

Waxa u ahayd Soomaalidii hore ee xoola dhaqatada ahayd inay ku fara adaygaan waayo aragnimada ay ka dhaxlaan duqaydooda iyo meertada xilliyada oo isbedel badan oo ay ku suntan jireen astaan ama ay magacyo ulla bixi jireen.

Halku dhega aan cinwaanka ka dhigtay waxa ay qayb ka ahayd murti hore. Taas oo odhanaysey "Geel aan qawsaar lahayn, adhi aan qawriirto lahayn, iyo Qabiil aan maraxoor lahayn, intaba waxbaa ka dhiman". Taas oo ay ka duulayeen in dadka waxtarka u leh dadka iyo xoolahaba la ogaado. Oo waxa ay ku bilaabeen geella oo Soomaalida aad qaali ugu ahaa, oo ay u gooyeen arinkiisa haddii aanay jirin cid u go'day oo dibadyaal u noqon oo aan sidaa ku guumoobin ma dhaqmo. Waayo qawsaar waa nin weynaaday da' ahaan oo halkii uu reeraysan lahaa u ban baxay inuu xanaaneeyo geella oo hadba halkii naq u leh uu geeyo wakhtigiisana isaga ku qaato, taas oo ay Soomaalidu gooysey haddaan la helin ninkaa dantiisii dhaafsaday geellaa aanu jireyn la'aantii.

Adhiga oo aad ugu haboonaa guriga iyo agtiisa ayay isna siiyeen mahemad weyn oo ay ku xejiyeen, reer ma jiri karo adhi la'aantii, waayo, waxa uu ka agdhow yahay guriga waa subaggii, cadkii degdega ahaa. Isna waxa baddi dhaqaaleyn jirey caadada Soomaalida oo ay hawl u ahayd haweenka. Waxa haddaba lagu cadeeyey murtidan inaanu sii jireyn adhigii haddaanu lahayn islaan weyn oo waayo araga oo cidkasta ku canaanata dhaqaalayntiisa, oo iyada loo daba fadhiisto.

Waxa soo hadhay xanaanayntii aadamaha oo aad muhiin aha, kaas oo qudh iyo magacba u baahan in la illaaliyo. Waxa murtidan lagu cadeeyey reerku haddaanu lahayn Maraxoor (Xildhibaan), inaanu qiimo sidaasa reerku yeelanayn. Ruuxan labka ah oo ah ruux ka hormariyo arrimihiisa ta reerka, oo hadday wax kasta dhacayaan ay kala qiimo weyn tahay inuu magaca reerka illaaliyo. Waa inin Eebbe isugu daray inta lagu faanno oo dhan oo ah, deeqsinimo, oo wax alaale waxa uu hayo uu u loogo martida dadkuna aanay ka cararin ee ay ku soo hirtaan. Codkarnimo, oo yahay ruur u Illaahay ugu deeqay odhaah ogaanshaha iyo hadal yaqaanimo. Iyo ugu dambayntii oo ah geesinimo xilliga dirirta oo anu gabay.

Haddaba, miyaanay ahayn illeen ummaddii ma dhamaane in la raadiyo, oo halka ay dadkii bulshada qaaliga ku ahaa galeen waa in la helaa.

Friday 4 March 2011

Maslaxashaddii Kooddii Siyaad Barre ee Caydiid

Waxa muuqaalkani muujinayey sida loo kala aragti fogaa xilligii uu dad-qalkii dalqada weynaa ka cararayey Xamar iyo sida uu Maxamed Faarax Caydiid ugu adkaa balantii uu la lahaa urruraddii kale ee ay dagaalka kuwada jireen. Iyo sida ay u rabeen inay Siyaad Barre kooxdiisu u rabtey inaanay arrin wanaagsani ka fulin Xamar, Soomaaliyana loogu kala dareero ileen reeraa Soomaaliyi ahayd e.

Daawo oo aad u dhugo muuqaalkan inkastoo aanay ku cadayn ayaanta kulankani dhacay, laakiin ay ka muuqadaan kuwii xiligaa faraha ku hayey arimahii Soomaalida. Muuqaalkana waxa iska leh kuwa ku xardhan.

Tuesday 1 March 2011

NINKII WAALAA EE HADDANA HUGAAMIYAHA AHAA !!!!

NINKII WAALAA EE HADDANA HUGAAMIYAHA AHAA !!!!

Qadaafi waxa uu noqday sidii Siyaad Barre, garanba maayo waxa loogu kacay. Waxa uu ku leeyahay maxaa layga rabaa?, anigu ma maddaxweynaan u ahay. Bal adba, haddaa muxuu ka gurayaa meesha. Waxa maankiisa ka guuxaya inuu hugaamiyo reerkiisa dadka kalena u yihiin shaqaalihii.

BAL DAAWO !!!


Halkana innankiisii.