Tixraac

Maarso 10, 2012

Cigaal Shiidaad

Filed under: Timir Laf La' — tixraac @ 06:50

Kubbaddii oo Live ah ee Academy-iyada Liverpool iyo Sheffield Wednesday

Filed under: Timir Laf La' — tixraac @ 06:44

http://premier–streams.eu/~premiers/frame2.php

Maarso 3, 2012

Maddaxweyne Axmed Siilaanyo Oo U Quus Gooyey Fidmawadayaashii.

Filed under: Timir Laf La' — tixraac @ 11:23

Maddaxweyne Axmed Siilaanyo oo waraysi uu siiyey BBC-da si cad u qeexay waddada ay qaadayso Somaliland iyo mustaqbalkeedaba, cid kasta oo fikir qaldan haysatana candhuuftiina liqa ku yidhi.

Halkan riix:Image

Febraayo 19, 2011

Maantana Jabuutaa Qalan !!!!!!!

Filed under: Timir Laf La' — tixraac @ 08:23

Sida laga soo warinayo waddanka yar ee ku yaal geeska Afrika ee ay Soomaalida iyo Canfartu leeyihiin, yididiilo nololeed. Sida ay soo werinayaan, warfiyeenada kala duwan ee dunida ugu afdheeri sida Reuters oo kale in saaka oo subax Sabti ah taariikhda miilaadiguna yahay 19-kii Feberweri 2011-ka, inay magaalada Jabuuti khaasatan Xaafada Balbala loo geli waayey dadkii weyraxay ee shalay Jimcii bilaabay dibad baxa ay ku codsanayaa in uu xukunka baneeyo keligii isla weynaha Jabuuti, waa Ismaaciil Cumar Geelle’e oo adeerkii ka dhaxlay jagada muddo hadda laga joogo muddo 12-sanno ku beegan ka hor, arkina karin haba yaraatee fikir ama haddal aan kiisa ahayn, kii hadlana khaarajiya ama xabsiga u taxaaba. Mucaaradka Jabuutina waa tibadyaal miidhan oo ma jiro mid ka dhex hadli kara Jabuuti gudaheeda.

Waxa intaa sii dheer oo aad ka dheehan kartaa sida uu u maamulo Jabuuti Ismaaciil RTD-ga Jabuuti oo wax aan amaantiisa ahayni ka bixin iyadoo afar af lagu sii daayo maalin walba, kasii darane waxa laga sii daayaa isagoo heesaha amaanta ee hortiisa loogu qaaday isagu ku qaadaya oo leh “BAL CID KALE KU SOO DAR”. Waa kuwii lagu haligay rajiimkii Ina Siyaad Barre-hii Xamar ka amar ku taaglayn jirey 20-ka sanno. Waxa se ay ahayd inuu wax ku qaato.

Waase wax lagu diirsado inay weli Jabuuti joogaan dad dhiig lihi oo diidnay odhan kara, inkastoo inta badan aad odhan karto way suuxsan yihiin oo waxa lagu muday irbaddii suuxisada. Waase wax lagu farxo inay cidi jirto. Haddii laga tuuro meesha oo cid dadka metashaa ka soo baxdo waxa hubaala inay nolol hagaagsan gaadhi doonaan dadka reer Jabuuti, waxa kaloo caafimaadaya ummadda Soomaalida oo uu ka iibiyey shisheeyaha, dillaal wanaagsan-na ka helay.

Nofeembar 13, 2009

Filed under: Timir Laf La' — tixraac @ 11:36

YOW KALA WARRAMA {FAADUMO AXMED DHIMBIIL}

Ninka Waalanee, Warran qaata Iyo, Wiilkii Yaree, Waab Waabiyana, Yawga Warama.

Agoosto 9, 2009

TixraacTV- live streaming video powered by Livestream

Filed under: Timir Laf La' — tixraac @ 06:30

Duran’s TV- live streaming video powered by Livestream

Shared via AddThis
Wixii turxaan bixin waxa aydun noogu soo gudbin krtaan tixraac@gmail.com

Agoosto 6, 2009

Filed under: Timir Laf La' — tixraac @ 07:52

Majaajilo __ JACAYLKII FOO-GA AHAA {BOON XIRSI}

Hoheey lacageey;

Wax kala haadiyaay

adigaa nakala horay!

Halyeyy mi ahaa

Hacoo ka dhigaay

Hacoo mid ahaa

Halyeey ka dhigaay

Ninkii haya

Wayu hadashaayoo

Waa hoobal

Hadduu hantaataco !!!.

Luulyo 27, 2009

FAAF-REEB

Filed under: Timir Laf La' — tixraac @ 10:20

Hal hays hore ayaa odhanayey “dherigaba karka kulayl kaa ka keenay” . Dhawaaqa ka soo yeedhaya magaalada Hargeysa waxa ay muujinayaan in cabasho badani jirto oo laysku tar sheegtay, lagana cabsi qabo in dhiishu daadato oo inta yar ee la dhitaysanayey ay ciidu liqdo, foodana lays daro.

Waxa Hargeysa laga furay bishan July 22-keedii bandhig dhaqameed oo loogu magac daray Alle Naxariistii jano Ha Ka Waabiyee Marxuum Maxamed Mooge Liibaan oo aad looga qadariyo degaanada Soomaalidu degto, ahaana Macallin, fannaan, Indheergarad iyo Muusishanba. Bandhigan oo laysku arkay ayaa lagu furay arrintan faafreebka oo la weydiiyey odayaal doora inay ka war bixiyaan aragtidooda iyo siday ula soo kulmeen. Ninba dhinac u qaad waxa se ugu horeeyey oo muujiyey xanuunka ay leedahay arintani. Cidda ku kacdaana badi ay tahay nin xanuun hore xasuusan oo rabin in lagu celiyo waxii uu soo maray ee muragada lahaa.

Waxa aragtida laga dheehan karaa soo gunaanadkii uu odaygu ku soo gooyey sifaha uu yeelaanayo qofka diifta ku soo sarfaafay. Taas oo lagu sifayn karo mar kale maamulka odaygu hoos joogo ee Somaliland hadda ka taliya oo aad ka ursan karto karti daro iyo xaqdi ah waan isa soo saarayaa markaa cid kasta waan xaganayaa, awoodduna anay ii sugnaatay cid iga daba hadli kartaana ma jirto. Odaygu waxa uu muujiyey inuu ka soo badbaaday cabudhiyihii hore. Hadraawi isaga oo gabayo hore xiganaya ayuu yidhi; gabayaa ayaa laga hayaa;

Waxba nimaan lahaan jirin, haddii Weyno wax u dhiibo

Ogebey wacdarihii hore ayuu weli ka yaabaaye.

Waxa uu raaciyey in mid kale laga hayo;

Nin xamaal ahaan jirey, hadduu xoolo badan yeesho

Xanuunkii garbaha kaga dhacay buu weli xasuustaa.

Taasi waxa ay muujinaysaa inay qayb weyn ku leedahay maamulaha sooyaalkiisu goynta ama hal maamulkiisa.

Bahda Tixraac.

 

Luulyo 19, 2009

Filed under: Timir Laf La' — tixraac @ 11:03

JAANDHEER AMA BATAR {Ciyaar Somaali}

Tannina Waa Jaandheer, oo boodhka laysku kiciyey. Waa ciyaar qiima weyn ugu fadhiday Xoola dhaqatada Soomaalida. Aadna waa loogu xoogsaday kolkii loo biyeystay in la ciyaaro tan, inkastoo magaallo lagu ciyaarayey.

Juunyo 27, 2009

Filed under: Timir Laf La' — tixraac @ 07:17

Aw-Bustaale Dayax Ka Boode

Waa Qayb Ka Mida Riwaayaddii Qiimaha Weyn Ku Fadhiday Ahaydna Wacyi gelinta Xaalada xilligaa Ka Soo If Baxday Magaalada Burco, Loogana Digayey in aanay Dadku wax kasta Ku Kicin.

Riwaayaddaa oo Hal Abeerkeeda Uu Lahaa Cismaan Aadan {Askari} Alle Haw Naxariistee.

Hobollo Qaaliyihina Ay Jilideedda Ka Qayb Qaateen. Weli se Waxa Dadka Looga Taag La’yahay Iska Jira Waddaad Xumaha.

Bahda Tixraac
MJ

Bogga Xiga →

Ku alkun bar ama balog lacag la'aan ah WordPress.com.