Sunday, 11 July 2010

BALDAYAAY ADUUNKII ISKU BOOD!!!!

Saaka oo ay bisha miilaadigaha ahi ay tahay 11-kii July 2010-kii. Waxa lagu waaberiistay iyadoo shaashadaha wararka oo dhami ay ku nuuxnuusadeen ciyaar ka bilaabmi doonta fiidka caawa (haddii Eebbe Idmo) xiliga magaalada Johansburg ee cariga Koonfur Afrika. Taas oo ay ku kulmi doonaan labada xul ee waddamada Holland iyo Spain. Kubaddaa oo ay inta badani u sadaaliyeen Spain oo la leeyahay waxa ay garaacday Jarmalkii, Koobkii Yurub-na iyadaa qaadatay laba sano ka hor, balse aan eegno cida ruqsata.


Meel kasta oo leh shaashadda layska arko aad baa loogu jeedaa, sidii loo fiirsan lahaa. Xitaa xayawaankii ayaa la soo geliyey inay ka sadaaliyaan, waddanka Jarmalka waxa lagaga saadalaayey Fara-badan (Octopus) oo siisay Spain, waxa se cariga Singaboor lagaga saadaalaayey shimbirta Baqbaqaa oo iyadu soo dhufatay Halland.

Saturday, 10 July 2010

Faaliyayaasha Xayawaanka Ka Faashaday !!


Waxa beryahan soo if baxayey intii ay socotay ciyaaraha kubada cagta oo ay laba iyo soddon waddan isugu tageen dalka Koonfurta Afrika, ayaa laga soo sheegayey magaalo ku taala cariga Jarmalka xayawaan fara badan (octupos) oo badda ku nool ay ka faalinayso kolba ciyaarta ay xulka Jarmalku yeelan doonaan iyo inay badin doonaan iyo in kale, intii ciyaarood ee uu xulkaasi yeeshayna ay rumawday saadaashii uu saadaaliyey. Haddana waxa loo dhigay cida qaadan doonta koobka kubadda cagta ee sanadkan (2010) oo berri ay isugu iman doonaan xulalka Netherlands iyo Spain oo isugu soo xadhay kama dambaystii. Markii farsamadii lagu samayn jirey lagu sameeyey oo weelkii lagu siin jirey nafaqada uu quuto laba weel ah oo ay calamada waddamadaasi ku yaaliin uu doortay weelkii calanka Spain. Taas oo loo turjumay inay badin doonto xulka Spain sidaana ay ku xambaaran doonto koobka dahabiga ah oo aanay weligeeg qaadan tahayna markii u horeeyey oo ay u timaado kama dambaysta, waxa se is weydiin leh Eebbe ma ka rumayn doonaa.Illeen Rabi baa idinka iska lehe.

Waxa isna ka faaliyey nin kale oo isna isticmaalay shimbirta baqbaaqa ayaa isagu si kale u dhigay oo ay shibmirtii dhufsatay kaadh uu ku sawiraa calanka Holland (Netherland), bal aan dhawro sida ay ku dambayso.

Ma Dhama!!

Waxa xaqiiqa ah in aan aadamaha wax deeqaa yar yahay, Soomaalidu waxay tidhaahdaa “rag xabaal baa deeqda”. Taas waxa ka sii daran war la’aanta Soomaalida ee nolosha xabaasha oo aad moodo in Soomaalidu iska indho tirtay ama aysan qiimayn waxa aadamuhu fili karo marka godka lagu rido. Keli, waxa hal ku dhega ku cad qarsoomida aduunyadu inay deeqdo noolaha oo marka afka ciida loo daro oo uu meel madow galo inuu buuqa joojiyo, laakiin se inta uu boodboodayo in aanu waxba tarmin. Lagana fadhiyi la’ yahay. Haboonida laga rabo in noolulhu isku taago way tahay in uu yaqiinsado (rumaysto), oo aanu noqon “wan weyni illaa la gawraco, indhihiisu circa ma arkaan”.
Bisaylka nolosha ayaa se bara in aanay intan uun ahayn ee ay jiraan waxyaabo badan oo ay tahay aadamuhu in uu daneeyo. Kuna qaato wax kasta oo uu la kulmo cashar. Qiimayn na ku sameeyo had iyo xilli kasta waayaha uu soo maray iyo ka uu ku sugan yahay ba. Isla weyniduna waxa kolba hortaagani waxa uu yahay.
Nin habari dhashay, hal maseegi waayo; waa hal ku dheg muhiima oo ay Soomaalidu ku daweyso boogaha xanuunka leh ee uu dhaawacu ka soo gaadho marka ay damqadaan. Taas oo ay ku cadeeyaan in ruux kasta ay wax ka qaldamaan, ka se qaata qaladkiisu uu yahay ka u sita. Ka dibna uu isku ilowsiiyo xumaddii haysey ee uu la jaanqaadi la’aa. Waxa na uu isku ilowsiiyaa haaraan uu isku hiifi lahaa, sidaa suuna ku dhaydaa boogtii.

Salaan Maxamed (AHUN) waxa laga hayaa mar uu ka hadlayey sida waayeelka arini ku tahay “Waayeel dhaqsaha waa wuxuu dhirif ka qaadaaye”, beydkanni waxa ay muujinaysaa in aanu haboonayn arinta degdega ahi, had iyo goorna fiiro dheer loo yeesho. Weliba waayeelku wuu ka xag jiraayoo sida Salaan Maxamed (AHUN) moojiyey ma jecla oo arimaha lala cararo si fuduna waxna loo gooyo, markaa taladda uu bixiyey Salaan waxa ay ahayd fiiro dheer ha loo yeesho. Markale waxa uu muujiyey sida waayo aragnimo u baahan “Hadduu dheregsan yahay wiil yar bay taladu dhaaftaaye” , hadduu ruuxu beryo soo noolaa lana soo kulmay waayo adag, waxa uu noqonayaa mid aan ayaan jirin.

Waxa ku cad in aanay jirin wax dhamays ahi, oo dunidu ay ku miisaaman tahay qaab Eebbe uun og yahay.

Thursday, 8 July 2010

HEEGAN AAN AHAANO !!!

Xilligii askartu ka talinaysey Jamhuuriyadii Soomaalida ee habaynsatay, ayaa waxa jirey heeso aad u tiro badan oo hanuun looga jeeday oo la sameeyey, markasta laga saari jirey idaacadihii wadanku lahaa. Kuwaas oo dhegaha dadweynaha dhega barjeyn jirey, qaarna cabsi ku beeri jirey.

Cisnwaanka kor ku xusan ee maqaalkan maddaxa u ah, heesta sidatay, waxa ay muujinaysaa in dadku xaalad degdega ku jireen oo loo sheegayey is jir waa lagugu daba jiraa. Cabsi badanna ku abuuray ciddii maskax furan wedetey. Kuwaas oo marka ay adkaysan kari waayaan ay ku kelifi jirtey inay fakadaan oo ay debedaha ka soo qayliyaan ama god aan cidi la ogeyn oo hadhow baadi goob loo galo.

Waxa se ka daran dhegihii dadku ay u xiisaan labaataneeyo sano ka dib markii xididada loo siibay xukunkii iyo maamulkii waddaaga ahaaba oo dadkii ay xor u heleen inay keligood maddaxooda ku shaqaystaan, wadankana debeda uga wadda baxaan, kana soo wadda qayliyaan halkii ay ka soo qaylin jireen, qolyihii ku qaylin jirey inaan dadka la halaabin oo wax aan sii soconayn.

Monday, 5 July 2010

Hees: Dhabada Cagta Saar {Aamina C.Laahi, Axmed Mooge, Sahra Axmed & Ju...

Bahda Tixraac waxa ay idinku soo dhaweynaysaa heestan hoos taala qoraalkan oo murti badani ku bariiqatay. Waxa wax loogu sheegayey da'yarta Soomaalida oo u baahan talooyin badan si aanay jar uga dhicin. Daawasha wacan, hobolladda ku codeenayaana way mahadsan yihiin (Axmed Mooge Alle ha u naxariisto, isagu wuu mootan yahee), abwaankii curiyey (Maxamed Aadan Dacar) na mahad dheeraada buu lee yahay iyo weliba intii ka qayb qaadatay soo saarideeda

WAAGA CUSUB EE SOMALILAND

Ummad waliba waxa ay leedahay sooyaal iyo xilliyo ay ku qorato waayaheeda lagana dheehdo taariikhdeed. Haddaba, 26-kii June waxa ay hore ugu xardhanay inay ahayd maalin ay aad u xasuustaan inkastoo aanay aqoon dheer u lahayn oo dad badani yidhaahdaan garaadkoodu muu korsanayn waagaa, hadda se kontan [50] sanno ka dib oo waxa badani isbedeleen, jiilkii xilligaa noolaana ay in yari ka hadhay oo da'yarta maantu aanay wax saa u sii dheer aanay kala socon sida berigaa wax u dhaceen. Inta ka soo gaadhayna ay ku egtay in laga badiyey awoow-yadood oo ay hoostageen dad ay diirka iyo af-ka isu eg yihiin, laakiin se uur-ka iyo dhaqankaba ku kala duwanaayeen. Garaadka maamul wadaag oo aan wakhtigaa korsanayn iyo dhibaato gumaysi oo aan soo mari ayaa qayb weyn ka qaatay baa dadka qaar ku doodaan. Dad kalena waxay ba yidhaahdaa iyagaa naftooda la kala baxsanayey ee marna kumay xisaabtamin in cida ay u tegayaan ay tabaabusho dheer sii gashay sida ay wax u arkaana aanay iyaga u muuqan, loona xisaabtamay gobol ka maqnaa oo la siiyey.

Waxa taa ka sii daran sida aragtida illaa maanta loogu kala duwan yahay oo arinkaas weli taagan yahay halkii nin la leeyahay iyo mid la leeyahay. Oo cid wax isu qiraysaaba aanay jirin. Waxa intaa sii dheer, jiil iyagu kuba garaadsaday Somaliland oo aan cid kaleba aqoon inta ay maqleena tahay wakhtigii taliskii meleterigaa ahaa xoogga u isticmaay oo dad iyo duunyaba lays raacshey oo aan waxba loo reebin, haddana raba hadduu awood hello inuu halkii ka sii wado cadaawadaas aan meel lagu salayn karo aan loo hayn.

Maantana, waxa ku soo biiray 26-kii Juun, arin cusub oo geeska Afrika ama guud ahaan qaaradaba ku cusub oo ah in dadku cod bixin la diiwaan geliyey ku doortaan madaxdooda oo markii u horeysay ka hirgashay Somaliland maalintan caanka noqotay. Dad badani waxa saadaalinayaan inay bedesho cabashaddii laga qabay ayaantan oo la lahaa xornimaddii aan helay ee aan la ambaday. Rajo weyna xagga Illaahay laga qabo in madaxweynaha ay shacabku soo doorteen ee weliba habka ugubka ah lagu soo doortay ee madaxweyne Axmed Maxamed u horseedi doono horumar, barwaaqo, deganaansh, midnimo iyo weliba dunida oo ay ka mid noqdaan, oo qayrkood qiro ragganimadooda.